war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii madasha qaran ee 12/7-8/2016 lagu qabtay magaalada muqdisho
|
War – Murtiyeed Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ) Muqdisho 7-8 Diseember 2016 -Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 07-08 Deseember 2016-ka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Muxammad Sh. Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed; Madaxweynaha Hirshabele, Mudane Cali Cabdulahi Cosoble; iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Mudane Eng. Cabdihakin Cabdullahi Camey; Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la qiimeeyo arrimaha qabsoomay iyo in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016-ka. Kulanka Furitaanka: 1. Madaxweynaha: Ayaa soo dhoweeyey dhammaan ka qaybgalayaasha si gaar ahna uga mahadceliyey Beesha caalamka. Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay in muddada la haysyto ay aad u kooban tahay loona baahan yahay in si wadajir ah loogu guntado dhamaystirka howlaha doorashooyinka waqtiga oo aad u kooban awgeed. 3.1. Madashu waxaay isla waafaqday in la dardargeliyo dhameystirka howlaha ka harsan doorashooyinka. Iyadoo taa laga ambaqaadayo ayaa waxaa ay isla meel-dhigeen qodobban: 1. Ansixin habraac ku-meel-gaarka muddada kala guurka. 4.1. Madasha waxay ansixisay habraaca ku-meel-gaar ah iyo Xeer-Hoosaadka u gaarka muddada kala guurka Baarlamaanka 9-aad iyo Baarlamaanka 10-aad ee cusub uu soo diyeeriyey Guddiga Farsamada iyo khubarada BFS. 5. Xallinta saamiga Aqalka Sare Gobollada Sool iyo Sanaag. 5.1. Madashu waxay si qottodheer u falanqysay arrinta ku saabsan saamiga ay Gobollada Sool iyo Sanaag ee Soomaaliland ku yeelanayaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. 1. Baaq iyo Bogaadin 6.1. Madaxda Madasha ayagoo aad u qaddariyey howlaha ay fuliyeen Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed iyo Gudiiga Xallinta Khilaafaadka waxay ku bogaadiyeen xowliga ay ku fuliyeen iyo mihnadyananimada ay ilaa heerkan ku soo gaarsiiyeen dardargelinta doorashooyinka dadban 2016 ee loo xilsaaray.| 1. Madashu waxay si gaar ah ugu mahadcelineysaa Beesha Caalamka tixgelinta gaarka ah u siineyso arrimaha horumarinta Soomaaliya iyo taageerada ay had iyo jeer la garab taagan yihiin Dawladda Federaalka Soomaaliya. — Dhammaad — Agaasimaha Warbaahinta |