Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo ka dhacay Galgaduud iyo Ciidamada DFS oo dhex-galay

Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay kala dhex-galeen maleeshiyaad dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ku dhex-marey deegaanada Mirxeyley iyo Bangeelle oo ku yaalla inta u dhaxeysa Magaalooyinka Cadaado io Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada la kala dhex-dhigey labada maleeshiyo Beeleed oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Guutada 13-Aad Ee Ciidanka Dawladda Qaybta 21-Aad Col Cabdiraxman Macalin Maxamuud (Timadheere),waxaana ay ku guuleysteen inay dagaalka joojiyaan.

Dagaalka ka dhacay deegaannada Mirxeyley iyo Bangeelle ayaa waxaa uu salka ku haayey isku qabsiga Baraag laga qodayey deegaanka Mirxeyley,waxaana dagaalka inta la xaqiijiyey ku geeriyoodey 5 Ruux halka 6 kale ay ku dhaawacmeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya deegaannadii lagu dagaalamey ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *