Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wararkii ugu dambeeyay Kismaayo iyo SEERAAR oo Hubka Qaatay [Warbixin]

Waxaa magaalada Kismaayo  ka taagan Xiisad ayaa ka taagan Xiisad Colaadeed, Kadiib markii uu maanta dagaal dhexmaray  ciidammada amniga ee Jubbaland iyo ciidammo taabacsan Cabdinaasir Seerar oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha Jubbaland, Kana mid ahaa Musharixiinta Isbedel doonka ah.

Dagaalka oo markii hore socday Muddo Kooban, ayaa Mar kale dib u Bilowday, sida ay sheegeen Dad ku sugan gudaha magaalada Kismaayo, Waxayna xiisaddu ka dhalatay markii dad taageersanaa siyaasiyiinta mucaaradka ay isku dayeen inay dibadbaxyo ka dhigaan gudaha magaalada.

Wararka waxay sidoo kale sheegayeen in dadka isu soo baxa dhigayay ay la socdeen ciidammo taabacsan Cabdinaasir Seerar.

Arintan ayaa kusoo beegan tahay iyadoo Ciidamada Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ka Amar Qaatay ay maanta  si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo , Xili la filayey inay  halkaas ay gaadhaan wafddi uu hogaaminayo danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto oo Kulan la qaadaya Axmed Madoobe.

Dagaalka ayaa ka dhacay Xaafada Siinaay ee Magaaladda Kismaayo halkaas oo ay daganyihiin Xubnaha ka mid ah Isbadal doonka Maamulka Jubbaland oo uu Ka mid yahay Cabdinaasir Seeraar.

Sawir goordhowayd lagu Faafiyey Baraha Bulshada ayaa Muujinaya Cabdinaasir Seeraar oo Qaatay Hubka, Siduu u difaacno Naftiisa.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *