Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Waraysi//dr cisman salad xirsi ayaanu ka waraysanay shidaalka,gaaska iyo macdanaha dalka somaliya

Dr Cismaan Salad Xirsi oo bartay cilmiga lagu barto macdanaha kala duwan iyo shidaalka iyo gaaska dhulka hoostiisa ku jira ayaa WARAYSI siiyey Golaha 1960 .Golaha codka shacabka somaliyeed. DR Cisman Salad Xirsi oo jamacad ku taala dalka Keneda ka dhiga cilmigaasi aanu soo sheegnay .Waraysigan waxaanu kaga waraysanay macdanaha kala duwan iyo shidaalka la sheego inuu ku jiro somaliya,waxaa uu muujiyey aqoonyahanku in somaliya astaamaha ka muuqdaa ay yihiin kuwii lagu yiqiiney dalalka shidaaka leh.

Dr Cisman Salad Xirsi waxa uu sheegay in siyaasaddii is bedbedeleysay ee dowladihii hore iyo kalsooni xumada hadda dhextaala dowladd  goboleedada iyo dowladda federalka inuu salka ku hayo in somaliya shidaal laga soo saaro ,ayna adag tahay   in haddii aan la helin dowlad siyaasaddeeedu fadhido ay adagtahay in somaliya shidaal laga soo saaro.

WARAYSIGAASI WAXAA INOO QAADAY   AQOON YAHAN     YALAX

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *