Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

warbixintii uu madaxweynaha somaliya ka jeediyey qm

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixin uu siinayay Golaha Ammaanka ee QM kaga dalbaday inay muhiim tahay in Somalia laga qaado cunno-qabteynta hubka si dib loogu dhiso ciidamada.

Xasan Sheekh ayaa warbixintiisa sidoo kale kaga hadlay horumarka ay Soomaaliya ku socoto xilligan, isagoo ka hadlay dhallinyaro Soomaali oo ku dhintay xeebaha Badda u dhexeysa dalalka Talyaaniga iyo Masar, isagoo dalalka ay baddas marto ka dalbaday inay gacan ka geystaan sidii maydadka dhallinyaradaas loo heli lahaa.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Somalia ay guulo la taaban karo ka gaartay dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo dib u dhiska dalka, isagoo xusay in la dhisay saddex ka mid ah afarta maamul-goboleed ee Somalia, sidoo kale dastuurka Somalia lagu wado horumarin.

“Toddobaadkii hore waxay hoggaamiyeyaasha Soomaalidu isku afgarteen hanaanka doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadkan 2016-ka. Doorashadana waxay noqon doontaa tii ugu horreysay oo dalka ka dhacda 47-sano kaddib, waana guul aanu ku faani karno,” ayuu hadalkiisa daba-dhigay madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia ayaa warbixintiisa kusoo hadal-qaaday dhismaha maamul ay yeeshaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isagoo xusay in lagu gudo-jiro sidii maamulkaas loo dhisi lahaa, kaasoo dhameystir u noqon doona maamul-goboleedyada Soomaaliya laga hirgelinayo.

“Waxaan heshiis ku gaarnay in Muqdisho ay yeelato maqaam ka duwan gobollada kale ee dalka,” ayuu hadalkiisa daba-dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay warbixin dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay xubnaha Golaha Amaanka ee QM.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia wuxuu xusay in taageerada Caalamka ay muhiim u tahay Soomaaliya, isagoo xusay in la qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu hubinayo ciidamada iyo mushaarkooda.

Ciidamada Qaran ee la dhisayo ayuu sheegay inay ka imaan doonaan dhammaan gobollada Soomaaliya, isagoo xusay in tani ay qayb ka tahay qorshayaasha ay ku doonayso dowladda Somalia inay ciidammo awood leh ku dhisto.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xsan Sheekh ayaa xusay inaan la iska indha-tiri karin in cunno-qabteynta hubka laga qaado Soomaaliya, taasoo uu xusay inay muhiimad gaar ah u leedahay dib u dhiska ciidamada Qaranka Soomaaliya.

warkan hiiraan Ayaan  ka soo qaatay

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *