Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wareysiga Golaha Codka Shacabka ee RW-hore ee Somalia Mud. Abdi Farah Shirdon (Saacid)

 

saacid2

Wareysigan waxaa qaaday Mohamed Hassan Dhegood, Maamulaha Golaha 1960, Codka Shacabka Somaliyeed- January 10, 2016. Wuxuuna u dhacay sida soo socota.

Su’aasha 1aad: Mudane RW munaasabaddii dhagax-dhigga Garoonka Magaalada Garowe(Puntland) waa lagugu ammaanay waana laga mahadnaqay doorkaagii mashaariicda horumarinta PL. Fadlan wax nooga sheeg doorkaagii arrintaa la xiriiray?

 

Sida ka muuqatay mahadnaqa Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Abdirahman Mohamed Sheikh Mohamud (Faroole), waa dhab in aan waqtigii an R/W-ha Somalia ahaa an saxiixay oon ogolaaday codsi Puntland ee Kuwait Fund ee dhammaa US$13 million oo la xiriirtay maalgelin mashaariic horumarineed sida dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garowe ee la dhagax-dhigay dhammaadkii bishii December 2015 iyo Jaamacadda Maakhir.

 

Waan ku faraxsanahay inaan dedejiyey oo fududeeyey in lacagtaas la helo si mashaariicdaasi u fusho. Maxaa yeelay, suuragal ma ahayn in la helo lacagtaa haddaan RW-hu saxiixin waqtigii loo baahnaa- oo weliba Wasaaraddii ku lug lahayd ayan dabagal buuxa oo joogtaa ayan sameyn. Dedejinta iyo dhego-nuglaantu waxay ahayd mas’uuliyaddeyda iyo dhaqankayga, gaar ahaan markaan ka shaqeynayo hawlaha la xiriira horumarinta iyo amniga ee ka soo bilowda dadka ama maamulada.

 

Dhanka kale,qudheydu waxaan boogadinayaa dadaalkii mudadda dheer ay geliyeen mashaariicdaas maamuladii Puntland ee kala dambeeyey, gaar ahaan Madaxweynihii hore Mudane Abdirahman Mohamed oo hawsha xoogeeda qabtay xog-ogaalna u ahaa dariiqay soo martay. Runtii haddii usan gelin lahayn dadaalkaas aasaasigaa umalayn ma hayo in hawshaasi qabsoomi lahayd. Maanta mashariicdaasi waa hanti ummadda Somalia oo gaar ahaan Puntland nacfi weyn u leh, annagana taariikh iyo sharafba noogu filan.

 

Waxaan dhiiri-gelinayaa in Puntland ay horay u sii waddo dadaalkeeda mashaariicda caynkan oo kale ah. Dhanka kale, waxaan ugu baaqayaa dawladda dhexe inay fududeyso oo garab-istaagto dadaalada horumarka iyo isku-tashiga ee dhammaan Dawlad Goboleedyada dalka si ay u fududaato kabashada iyo horumarka Somalia.

 

 

 

 

 

Su’aasha 2aad: Maxaa ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee dawladdii aad garwadeenka ka ahayd soo hoysay, oo ay taariikhdu kugu xusi kartaa?

Waxaa waqtigii xukuumaddii an garwadeenka ka ahaa lagu xusuusan karaa dhacdooyin la xiriira taariikh ugub ah, waxqabad, dhaqan suuban ee dawladeed iyo duug hara, sida;

  1. U bareeriddi inaan xaqiiqdeena ku tashano oo dhisno xukuumaddii ugu koobneyd,oo tayo leh uguna miisaaneyd ee Somalia- kana koobneyd 10(toban) Wasiir oo qura.
  2. Dhaqan tirkii habka 4.5 ee calaamadda u ahaa inaan beelaha Soomaaliyeed xukunka u sinneyn. Maanta, awood qeybsiga dhanka xukuumadda, wax nus ahi ma jiraan oo beesha 5aad waxay la mid tahay beelaha kale. Taasi waa taariikh ugub ah.
  3. Ka qeybgelinta dumarka talada iyo siyaasadda dalka oo gaartay meeshii u sarreysay taariikhdeena oo ah 20% tirada golaha iyo jagada RW ku-xigeenimo.
  4. Kala soocidda hawlaha kala duwan ee dawladda- sida xukuumadda iyo tan golaha sharci-dejinta, si loo horumariyo mabda’a isla xisaabtaanka. Wasiirka Caddaaladda oo qura baa ka ahaa golaha asalkaa (10) ee xukuumaddaydii xubin Golaha Shacabka.
  5. Waxaan dhisay qaab ahaan dawlad wadaag ah oo loo dhan yahay. Taasoo ah dawladda ugu habboon ee maanta na anfici karta. Waxaan laal-lay fekreddii ahayd ma i dhistay/ codeysay mise waad iga safatay/codeysay. Wasiiro ka tirsan axsaab kala duwan iyo kuwo an isku murashax Madaxweyne aheyn baa golaha ku wada jirey oo si haboon u soo wada shaqeeyey.
  6. Xasillinta iyo isu-furidda magaalo madaxda Xamar oo kala qoqobneyd ayna tiilay in ka badan 60(lixdan) jid-gooyo/ isbaaro oo si sharci darro ah ay uga soo xarooto lacag dhan US$1million bishiiba.
  7. Qaadistii cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd Somalia in ka badan muddo 20(labaatan) sano ah.
  8. Tiiro-koobkii, qalabeyntii iyo mushar bixin joogtaa ee ciidamadda qalabka sida. Iyo xoreyntii deegaano kala duwan-sida; Balcad, Merka, Baydhabo iyo degaanada u dexeeya.
  9. Qarameynta qorshada xasillinta dalka (stabilization plan) oo micnaheedu ahaa xasillinta dhulalka gacanta dawladda soo gala iyo fududeynta maamul dhiska dalka ha loo daayo DFS.
  10. Safaradii baahsanaa ee mamulada goballada iyo magalooyinka dalka: Puntland, Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Dhusa-Mareb, Caabud-Waaq, Beledweyne, Jowhar, Balcad, Afgooye, Merka, Baydhabo, Garbahaarey ,Kismaayo iyo meelo kale. Booqashooyinka baaxadaan leh, waa markii u horeysay oo lagu dhaqaaqay ilaa burburkii . Ujeedaduna waxay ahayd in dadka la dhageeysto lana taabsiiyo in dowladnimadu tahay wax ay leeyihin oo loogu adeegayo.
  11. Dadaaladii loo galay xaqiijinta midnimo iyo dib-u-heshusiin shaqaysa ee tallo ku timid,sida; shirka Istanbul, Addis-Ababa, iyo heshiisyada xukuumadda iyo Ahlu-Sunna ee Caabud-Waaq iyo Garbahaarey.
  12. Bilowgii mashruuca “Aada Dugsiyada” oo loo qorsheeyey in ka badan hal milyan oo arday ahi in ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah. Iyo, dib-u-nooleynta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed(JUS) iyo Library-ga qaranka.
  13. Qorsheynta iyo hirgelinta Barnaamijka Daryeelka Caafimaadka Aasaasigaa (Essential Package of Health Services) ee gobollada dalka. Waa qorshe caafimaad ee waxtar ah lana awoodo baahintiisa.
  14. Fekredda iyo bilowga abaabulka qorshe ballaaran oo ah in biyo nadiif ah la wada gaarsiiyo bulshada ayadoon loo eegayn siyaasad. Qeybtii 1aad ee ka koobneyd 160(boqol iyo lixdan) ceelal dhaadheer ah (dhamaan Somalia) ayaan la saxiixanay Bangiga Islaamka (Jidda, Saudi Arabia). Qorshe kale ee sii ambaqaadaya isla hiigsiga yoolkan, waxaan la bilownay Ururka Wadamada Islaamka (OIC).
  15. Adegga Boostada: Dib-u-soo-celintii xubinimadeenii buuxday ee Adeegga Boostada Caalamigaa (Universal Postal Service-UPS) oo aynu ka maqneyn muddo 20 sano ka badan. Hammigu wuxuu ahaa in adeeggu wada gaaro Somalia: magaalo iyo tuulaba.
  16. Qabashadii shirweynihii siyaasadda, amniga, waxbarashada iyo caafimaadka- si siyaasadda dalka loogu jaangooyo tallada dadka.
  17. Heshiiskii dib-u-soo-celinta maamulka hawada Somalia(Air Space) iyo dakhligii laga helayba muddo 20 sano ka badan.
  18. Kororka iyo tayeynta maamulka iyo shuruucda maaliyadda dalka. Dakhliga bil-laha ah wuxuu kordhay US$2.5 ilaa US$12 million intii u dhexeysay October 2012- September 2013. Dhanka kale, waxaa dib u soo laabtay kalsoonidii iyo wada-shaqeyntii hey’adaha maaliyada (IMF,WB,ADB) ee caalamigaa iyo Somalia.
  19. Korista dhaqaalaha, shaqo abuurka, maalgashiga, iyo dhaqdhaqaaqa dadka iyo badeecadahaba.
  20. In ka badan 25 hindise sharciyeed iyo heshisiiyo caalami ah baa xukuumaddu u gudbisay Barlamaanka. Tani waa maqaam sare ee ayan gaarsiisneyn wadamada xaaladaha caadiga ah ku jira qaarkood, kana tarjumaysa hammiga ah sarreynta iyo ku dhaqanka sharciga.
  21. Diyaarinta fekredda iyo document-ka Hiigsiga Cusub( New Deal Compact ) ee wadajir Somalia iyo caalamku isula ogalaadeen shirkii Brussels ee September 16, 2013, halkaasoo lagu yaboohay maaliyad dhan US$2.4 billion, kaddib markii lagu qancay dadaalka iyo horumarka ay dowladdu sameysay.
  22. Aqoonsigii USA, UK iyo wadamo kale ee reer galbeed ah, iyo in ka badan 16 dal ee daafaha caalamka ee si rasmi ah ugu soo magacawday danajirayaal Somalia.
  23. Ugu dambeeyn, intaan eedeyn/dhaliil maqlayey, weli igama hor imaan cid cilladeysa hab dhaqankii iyo maamuuskii jirey marxaladihii kala duwanaa (degenaansho iyo khilaafba) ee ay soo martay xukuumaddaan garwadeenka ka ahaa. Sidoo kale, sidaan daah furnay xal dibed loo doonto waxaa beddelay gacan iyo gogol Soomaliyeed (Golaha Shacbiga). Fursadaha ay heleen awgeed, hey’adaheena dastuuriga ah waa soo bislaanayaan, waana qabatimeen inay mas’uliyadda ayagu leeyihin.

Su’aal 3aad: Ka waran arrimaha siyaasadda Somalia gaar ahaan Higsiga 2016?

Waxaa illa habboonaan lahayd in Madasha Wada-Tashiga aayaha Somalia lagu daro Madaxweynayaasha nool iyo RW-yaasha soo shaqeeyey, iyo indheer-garad kale ee mudan-si loo ballariyo maskaxaha iska kaashanaya jaangooynta aayaha Somalia. Haddaan taa la hayn- waxaan rajeyneynaa inay noo soo baxaan Ilaahay Idinki: Tallo iyo qorshe dalka iyo dadkaba anfaca ee ku filan samata-bixinta dalka.

Su’aal 4aad:   Arimaha midnimada dalka iyo wada hadalada dowladdu kula jirto maamulka Somaliland iyo qaabka ay dowladdu u waddo?

Waa muhim in xoog la saaro joogteynta iyo najixinta Shirka Waqtiilaha ah ee Istanbul. Waxaan ku talinayaa kuna adkeynaynaa dhinacyada wada-tashiga inay muujiyaan: Mas’uuliyad, tanaasul iyo dabacsanaan si loo xaqiijiyo midnimo shaqeysa ee Somalia.

Su’aasha 5aad: Maxaad Somalia kula dardaarmeysaa?

Dardaarankeygu waa in Somalia loo turo. Waxaa jirta maahmaah oranaysa: Rabbi ka baq iyo rag iska celi isku meel ma wada galaan. Waxaa taa la mid ah: Rag iska celi iyo Somalia ha badbaado isku meel ma geli karaan. Mar kasta maskaxda ha lagu hayo in Somalia ay ka weyn tahay siyaassadaha dadka dhexdooda ka socda.   DHAMAAD.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *