Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasaaradda amniga ayaa sheegtay inaa la qaban karin shirar iyo isu imaad aane wasaaraddu ogeyn amniga owgiis

Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in aan kulamada siyaasadeed lagu qaban karin Hoteellada ku yaalla Muqdisho, iyadoo milkiilayaasha iska leh hoteellada Muqdisho loo jeediyay digniin.

Amarkan ayaa waxaa ujeedadiisu tahay in lagu hor-joogsado kulamada siyaasadeed, maadaama ay soo dhaw yihiin Doorashooyinka Sannadkan ka dhacaya Dalka, iyadoo Xibsiyada Siyaasadeed ee dalka ay ku tilmaameen arrintaan mid lagu caburinayo axsaabta madaxa-bannaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somalia, C/kaamil Macalin Shukri oo hadal siiyay warbaahinta ayaa ku tilmaamay amarka kasoo baxay Wasaaradda mid aan lug ku lahayn Arrimo Siyaasadeed, laakiin ay la xiriirta dhinaca amniga.

” Madaxda wasaaradda Amniga Sooomaaliya, waxaa kasoo baxay amar ah in haddii kulamo la qabanayo ay ka dhacdo goob ammaan ah iyo in Wasaarada lagu soo war-geliyo si amaanka loo sugo, laakiin ma ahan mid ujeeddo kale laga leeyahay,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Sidoo kale, Warbixin todobaadkii hore ka soo baxay agaasimaha Wasaarada Amniga Gudaha Somalia, ayaa loogu baaqay Hoteellada inaan lagu qaban karin kulammo Siyaasadeed aanay wasaarada Amnigu ogeyn, iyadoo hoteelkii u hoggaansami waaya amarkaas tallaabo adag laga qaadi doono.

Ugu dambeyn, Xubnaha Ururrada Siyaasadda Dalka, ayaa dhankooda sheegay in Amarkaas uu ka hor-imaanayo Dastuurka, maadaama Dastuurku uu dhigayo in la qaban karo kulammo, isla markaana lagu soo beegay waqti lagu wado inay dalka ka dhacdo doorasho la isku raacsan yahay.


Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *