Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasaaradda Arimaha dibadda Somalia oo Ka hadashay dagaalkii Baladxaawo iyo eedayn Kenya

 Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa looga hadlay dagaalkii cuslaa ee maalintii shalay ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo ay Wasaarradu ku eedeysay in ay soo abaabushay dowladda Kenya.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in maleeshiyaad sharci darro ah oo ay soo bubeysan dowladda Kenya in ay ka soo gudbeen xadka iyaga oo weerar ku soo qaaday gobolka Gedo gaar ahaan degmada Beled-Xaawo.

Wasaarradda ayaa ku amaantay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sida ay isaga caabiyeen weerarkii ugu yimid maleeshiyada taageerada militari ka helayay dowladda Kenya.

Warkan ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa u muuqda mid jawaab u ah bayaan dowladda Kenya ay ka soo saartay dagaalka oo ay ku sheegtay mid walaac badan ku haya Kenya iyaga oo ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo.

Halkan Hoose ka Akhirso warka kasoo baxay Wasaaradda Arimaha dibadda ee Soomaaliya

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *