Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasaaradda arimaha gudaha oo sheegtay iney ogeyd mooshinka laga geeyey baarlamaanka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Xukumadda Somalia ayaa sheegtay in mooshinka ay ka war-qabaan, balse ay habooneyd in xildhibaannada intii aysan Mooshinka keenin ay u yeeraan Wasiirka Arrimaha Gudaha si wax looga weydiiyo Dhismaha Maamulka iyo qaabka loo maray. Xog-hayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia, Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya looga bartay in ay keenaan Mooshinka sidan oo kale ah islamarkaana aysan hadda Cusbeyn. Yaxye Cali Ibraahim ayaa intaa raaciyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay ka warheyso qaabka ay uu u socdo Shirka maamul u smaeynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, balse taasi badalkeeda looga baahan tahay in ay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya u yeeraan ,maadaama uu wasiirku wax badan qabtay Xog ogaalna uu yahay. Ugu dambeyn, Ka-sokow hadalkan wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo federlka Soomaaliya ma aysan suurta noqon in baarlamaanka ay soo af-meeraan mooshinka ay ku dalbanayaan qaar ka mid ah xildhibaanadda in hakad lagaliyo shaqada dhismaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. –

Inkasta oo fadhigii uGu horeeyey ee baarlamaanku ka yeesho mooshinka uu ku soo dhamaaday buuq iyo qaylo ,hadan xidhibaanada hoshan wadaa waxa ay sheegeen inaanu mooshinakani joogsanay illa inta wax laga qabnayo cabashada jirta.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *