Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland ayaa shaybaarkii 4aad ee Covid19 ka furtay magaalda Badhan, ee gobolka Sanaag.

Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland ayaa shaybaarkii 4aad ee Covid19 ka furtay magaalda Badhan, ee gobolka Sanaag. Sheeybaarkaan ayaa qeeyb weeyn ka qaadan doona baaritaanada ku aadan xannuunkaas oo fara ba’an ku haya guud ahaan caalamka.

Wasaaradda oo ka shaqanaysay sidii loo balaarin lahaa loona gaarsiin lahaa inta badan gobolada Puntland xarumaha shaybaarka ee lagu baaro Covid19 ayaa magaalada Baran ee Gobolka Sanaag ka dhigtay midii 4aad ee laga furo.

Shaybaarkaan ayaa waxaa xanuunka looga baari doonaa dadka ku nool gobolada Sanaag iyo Haylaan. Waxaana uu meesha ka saari doonaa in dadka ku nool goboladaasi ay baaritaano usoo doontaan gobolada uu ka furanyahay.Shaybaarkaan ayaa noqonaya kii 4aad ee laga furo deegaanada Puntland iyadoo ay horay uga furnaayeen Gobolada Nugaal, Bari iyo Mudug, waxaana wasaaraddu qorshaynaysaa in gobolada kalena laga furo.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *