Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

WASAARADDA WAXBARASHADA OO JOOJISAY IMTIXAANKA DUGSIYADA SARE EE DALKA SHEEGTANA IN DIB LOO QAADAYO

                  Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in la joojiyay Imtixaankii mideysnaa ee dowladda qaadeysay, kaasoo Saddexdii maalin ee u dambeysay ka socday Muqdisho iyo gobolada Koofureed ee dalka

Wasiir Goodax ayaa qiray in la helay Su’aalaha dhamaan Lixdii maado ee la kala galay maalmaha Sabti, Axad iyo Isniin oo maanta aheyd.

Wuxuuna si rasmi ah ma aanu u sheegin cida Su’aalaha bixisay, wuxuuse carabka ku adkeeyay inay jiraan dad iyadoo Bil Ramadaan lagu guda jiro dhaqaale ka raadiyay iney iibsadaan Su’aalihii Imtixaanka ee ardeyda loo diyaariyay.

27-ka bishan ayuu tilmaamay inay dib u bilaabanayaan dhamaan maadooyinka Imtixaanka fasalka ugu dambeeya ee dugsiga Sare, isagoo sheegay in la baabi’iyay kuwii la galayay maalmahan, kuwaasoo habeen kasta dhex yaacayay baraha Bulshada.

Wasiir Goodax ayaa sheegay inay Baadhis ku wadaan dadkii Falkaasi ka dambeeyay, Wuxuuna xusay in Maxkamad lasoo taagi doono

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *