Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wasiir Cabdilaahi Abokor “Faysal Cali Waraabe maxkamad ayaan la tiigsanayaa”

Wasiir howlaha guud iyo guryaynta Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa sheegay in uu maxkamad la tiigsanayo guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo ku eedeeyay in uu ku kacay musuq maasuq xiligii uu ahaa wasiirka jidadka

Wasiirka ayaa Faysal ku eedeeyay in uu markasta fagaarayaasha ka sheego, hadalo aanu iska hubsanin oo been abuur ah, isla markaana uu hagardaamo ku yahay Somaliland.

“Faysal waa weel madhan, weelka madhana wuu shanqan badanyahay, waxaynu aragnaa Faysal waxyaabo gola kafuul ah oo aan jirin meelaha ka sheegaya, qarankana waa ku hagar daamo waayo waxad ogtihiin in uu yidhi qarankani qorshe male” ayuu yidhi Wasiir Abokor.

Wasiirka ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo dhamaan dhukumantiyadii iyo xogta howlihii uu ka masuulka ahaa intii uu joogay wasaarada jidadka, isla markaana uu maxkamada u gudbinayo, si Faysal ay garsoorka ugu kala baxaan.

“Eedaha aad isoo jeedisay dhukumentigoodii waa kaas, waxan u gudbin doonaa garsoorka Somaliland, waxan u baahanay caddaymahoogii in aad keento garsoorka Somaliland, waxanan ku ogahay in markasta oo aad wax samayso aad ergo soo dirsato, abtiyaashayna waxan leeyahay ninkaa ergadiisu yaanay ii imanin” ayuu yidhi wasiir Abokor.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa hadal uu jeediyay 17 October wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan ku eedeeyay  in uu ku kacay musuq maasuq wakhtigii uu maamulayay wasaarada jidadka ee Somaliland.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *