Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wasiir Goodax Barre oo Ka hadlay Hees Dhalinyaradda Muqdisho uga hadleen xaalada dalka (Daawo)

Waxaan dhageystay heestan xikmadda badan xambaarsan oo ay dhallintu hibadooda kusoo bandhigayaan dareenka maskaxdooda ka guuxaya. Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulshada, waxay qeyb ka yihiin dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada. Waxaan u baahannahay in aan u jiheysanno dhanka wacyigelinta iyo dhiirragelinta ubadkeena.” Ayuu yidhi Wasiir Goodax Barre.

Erayadda Heesta ay dhalinyaraddu soo qaadeen ayaa waxay ka turjumayaan Xaalada dalka iyo Culaysyadda Shaqqo la’aanta ee ka jirta dalka.

“Wadanku shaqo maleh, Haloo yeelo ,  Dhalintu shiidee maa nala shuufo.  Jeebku Shilin maleh , Haloo buuxsho, Shahaadadu Macno ma leh ee ha shaqayso”.

Fasiraad Erayadda Qaar :  (Shiid/ Lacag la’aan),   (Shuufo – Eego/Fiiriyo)   , Shahaado macno maleh (Qof waxbartay waxba uma goyso).

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *