Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wasiir Goodax oo ka laabtay Hadalkii Maamulka Puntland uu ka Cadhooday

Cabdilaahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka xun yahay hadal shalay uu ka jeediyay magaalada Jowhar, oo ahaa inuu fashilmay Imtixaanka maamulka Puntland.

Goodax ayaa sheegay in la siiyay xog khaldan taasoo eheyd in madaxweynaha Puntland uu Garoowe ka sheegay in la jabsaday Imtixaanka Puntland, sidaasna uu u sheegay ardeydii Jowhar ee uu khudbada u jeedinayay, isagoo aan iska hubin hadalka.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in hadalkan uu yimid daqiiqado kadib markii wadahadal dhinaca talefoonka ah uu dhex maray Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo looga dalbaday in Goodax uu raalli gelin ka bixiyo hadalkii ka soo yeeray.

In kabadan 15-Kun oo ardey ayaa Sabtidii shalay u fariisatay imtixaanka Fasalada ugu danbeeyay ee dugsiyada Dhexe iyo sare ee maamulka Puntland, waxaana baraha bulshada uu buuq ka dhex dhaliyay hadalkii shalay ee Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *