Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasiirka amniga p/land oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay magaalada bosaso

Taliyaha ciidamada Booliska ee gobalka Bari CabdiXakiim Yuusuf Xuseen ayaa goor dhaw la hadlay Warbaahinta, wuxuuna ka hadlay Iska horimaadkii saaka dhexmaray Ilaalada Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Jen, Cabdirisaaq Af-gaduud & Taliyaha ciidamada Birmadka ee Puntland Col, Af-dalow.

Taliyaha ayaa sheegay in la hakiyey xaaladda, isla markaasna hadda xaaladu degan tahay, wuxuuna sheegay in ay hadda nabadgalyaddu caadi tahay, aysana jirin laba saf oo loo dagaalamay.

Taliyaha ayaa qiray in ay dhaawac yihiin Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab & Labo Sarkaal oo katirsanaa ciidamada Booliska & Birmadka ee dawladda Puntland.waxaa la sheegayaa in la kala qaaday ciidamadii la sarkaal ee kala xukuma boliska iyo birmadaka p/land

Dagaalkaasi dhexmaray labada ciidan ee labada taliye waxaa ku dhaawacmay Wasiirka Amniga p/land,taliye ku xigeenka ciidamada birmadaka ,sarkaal kale boolis ah iyo laba askari waa inta uu sheegay taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Bari

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *