Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasiirka arimaha dibada somaliya ayaa sheegay iney ciidamada amison sii joogi doonaan somaliya

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ka qeyb galayay shirka wasiiradaArimaha Dibadda wadamada Afrika oo ka dhacay  dalka Rwanda ayaa waxa uu sheegay in xilligan aysan suuragal aheyn in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka baxaan dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Miltariga Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda ay hada awood leeyihiin laakiin weli aysan gaadhin isku filnaasho buuxda.oo xagga qalabka ay u baahan yihiin ah

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay dalka ka bixi doonaan marka ay isku filnaasho    gaaraan ciidanka xoogga dalka somaliyeed

Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiirku waxa uu  sheegay in dowladda Soomaaliya aysan udulqaadan doonin in ciidamada  AMISOM ay Tacadiyo ugeystaan shacabka Soomaaliyeed.taa had iyo jeer lagu ee deeyo KUFSI ay kula kacaan Gabdhaha Somaliyeed.

Dowladda Ugand oo ah dowladda ugu badan ee ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in ciidamadeeda ay kala bixi doonto Soomaaliya dhamaadka sanadka 2017-ka.Balse waxa uu sheegay Taliyaha ciidanka xoogga dalka somaliyeed iney somalidu la wareegi doonto dhulka ay ka baxaan ciidamadaasi

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *