Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasiirka arimaha gudaha dowladda federalka ayaa uGu baaqay wadaadada ka taliya dhuusamareeb iney ogolaadaan wadahadal

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa ugu baaqay Culumaa’udiinka Ahlusuna inay qaatana wada hadal, si meesha looga saaro khilaafyada jira iyo waxyaabaha ay tabanayaan.

Mr Odawaa oo ka hadlayay deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka deegaanada ee isla dhasho la isku soo dumo, isla markaana lagu midoobo maamulka Galmudug oo ka dhaxeeya dhamaan dadka ku dhaqan Gobollada Dhexe.Waxaa uu sheegay in wax kasta oo ay tabanayaan Ahlusuna ay doonayaan inay ka shaafiyaan, isagoo xusay in horay baaqyo dhowr ah ugu jeediyeen inay nabada qaataan oo wada hadal la isugu yimaado

“Waxaan halkan baaq uga jeedineynaa walaalaheena jooga Dhuusa Mareeb, anagaa dowladda Federaalka ku matalna, mida Galmudug madaxda u matasha joogta, wax alla wixii khilaaf oo noo dhaxeeya wada hadal in lagu dhameeyo diyaar u nahay, dadka iyo dalka waa isla dhashay in la kala reebo oo la isku soo daro ayaa rabnaa”ayuu yiri Wasiir Odawaa oo la hadlayay dadweynaha Godinlabe.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay inay dhamaatay waqtigii koox ay qori wax ku maamuleysay, isagoo tilmaamay in aan la ogeyn, oo aan la isku daalin wax aan sharci noqoneyn isagoo uga jeeda maamulka gobolada dhexe ee ay leeyihiin

“10 jeer ayaa hada ka hor sheegnay wada hadal baa ugu baaqnay hada waa kucelineynaa, hadii ay wax tabanayaan ha ahaato xag federaal ama xag dowlad goboleed mar walba diyaar ayaa loo yahay in laga xaliyo”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *