Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasiirka arimaha gudaha jubbaland oo sheegay inaaney wax dhaqaala ah u hayn qaxooti dambe

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay ineysan qaabili karin qaxooti kale oo dib kaga soo laabta dalka Kenya, islamarkaana taga deegaanada Jubbaland.

Maxamed Warsame Darwiish oo ah wasiirka arimaha gudaha Jubbaland ayaa sheegay in qaxooti badan oo Kenya kasoo laabtay kusugan yihiin deegaanada Jubbaland.

Wasiirka wuxuu sheegay in maamulkooda uusan hadda awood u laheyn qaabilaada qaxooti kale oo dib dalka loogu soo celiyo, maadaama sida uu sheegay ay maareyn la’yihiin qaxootiga hadda ku sugan magaalada Kismaayo.

Sababta aysan u qaabili karin qaxootiga ayuu ku sheegay iney tahay ineysan heyn dhaqaalo dib u dajin loogu sameeyo qaxootiga kusoo laabanaya magaalada Kismaayo iyo magaalooyinka Jubbaland.

Waxa uu Hay’adda ka shaqeeya arrimaha Qaxootiga ugu baaqay in ay taageero dhaqaale siiyaan qaxootiga Soomaalida ee ka soo laabanaya Dalka Kenya ee doonaya iney Soomaaliya yimaadaan.

Hayada UNCHR oo qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa u fududeysan qaxooti badan iney kusoo laabtaan Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo magaalooyin kale oo dalka ku yaala.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *