Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasiirka caafimaadka dalka turkiga oo muqdisho yimid

16 Okt 2017 (Puntlandes) Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Turkiga Ahmet Demircan ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo socdaalkooda uu la xiriiro gurmadka iyo caawinta dadkii ku waxyeeloobay qaraxii argagixiso ee Sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 300 , halka in ka badan 300 ay ku dhaawacmeen.

wasiirka-caafimaadka-280x175

Wasiirka ayaa waxaa wehliya dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, si ay u caawiyeen dadka Soomaaliyeed ee waxyeelada ka soo gaartay qaraxa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddiga Gurmadka ayaa soo dhoweeyay wasiirka Caafimaadka Turkiga, iyagoo uga mahadceliyay dadaalka iyo gurmadka dowladda Turkiga la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Booqashada Wasiirka Caafimaadka ayaa sare u qaadi doonta qorshaha lagu daabulayo dhaawacyada dalka wax looga qaban waayay ee la filayo in loo qaado dalka Turkiga.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa la kulmi doona Madaxweyne Farmaajo iyo xubno ka tirsan dowladda Federaalka, isagoo kormeeri doona isbitaalada la dhigay dhaawacyada.

Dhaawacyada aadka u liuta ayaa lagu wadaa in maanta loo qaado Turkiga, iyadoo diyaarad caafimaad oo dadkan lagu daabuli doono ay saaka soo caga dhigatay garoonka Muqdisho.

Shixnado daawo iyo qalad caafimaad ayaa shalay ka soo duulay dalka Turkiga, kuwaasoo loogu tala galay in lagu daaweeyo dadka ku dhaawacmay qaraxa.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii u horeeyay ee ka soo jawaaba baaqa gurmadka deg deg ah ee loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay isgoyska Zoobe

Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *