Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasiirka maaliyada dowladda federalka ah ayaa sheegay iney heshiis shan sano ah la galeen bangiga aduunka

“Wasiirku waxa uu yiri Waxaan heshiis la soo galnay oo soconaya mudo shan sano ah Bangiga aduunka, heshiiskaas ayaa ku qotoma in shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada la siiyo mushaar joogta ah, waxaana jira shuruudo ku xiran bixinta mushaarkaas ilaa hadana dhanka dowladdu way ka soo baxday, maamuladda goboladuna waxay ku howlan yihiin sidii loo buuxin lahaa shuruudahaas, waxaana arinkaan naga caawin in kumanan shaqaale Soomaaliyeed ah ay helaan mushaaraad ku filan oo joogta ah. Waxaa intaa dheer in Wasaaradu dhawaan bilaabayso mashruuc cusub oo uu maal galinayo Bangiga Horumarinta Africa kaas oo shaqooyin loogu abuurayo dhalinyarada waxbaratay iyo kuwa xirfadleeyda ah” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in xiliyadii hore shaqo abuurka ay door muhiim ah ka qaadan jireen kaabayasha dhaqaalaha sida Beeraha, Xoolaha, iyo Kaluumaysiga, taasna maanta meesha ka maqan tahay” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

“Dalka  shaqada waxaa abuuri jiray wax soosaarka Beeraha, Kaluumaysiga iyo Xoolaha, maantana arinkaas waxaa ku yimid hoos u dhac balaaran, waxaa kale dowladdu lahaan jirtay Warshado faro badan, hadii aan dib loo soo celin kaabayaashii dhaqaalaha oo bur buray way adag tahay in la helo shaqo ku filan dhalinyarada”ayauu sii raaciyey Wasiir Farkeeti

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *