Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wasiirka Qorshaynta Somalia Oo Weeraray Xildhibaankii Watay Dooda Qadiyada Somaliland

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa si adag ugu jawaabay Xildhibaan katirsan baarlamaanka UK oo u ololeenaya in la aqoonsado maamulka Somaliland .

Xildhibaan Gavin Williamson, oo katirsan baarlamaanka UK ayaa olole xoogan ugu jira aqoonsiga dowladnimo ee Somaliland, waxa uuna baarlamaanka UK horgeeyay mooshin looga doodayay aqoonsiga Somaliland.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in in ololaha Xildhibaan Gavin uu muujinayo jaahilnimada ka heesata arrimaha gudaha Soomaaliya, isaga oo tilmaamay xildhibaanka mid horey ugu fashilmay shaqo loo igmaday.

“Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay shaqadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan.” ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *