Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasiirka wasaaradda caafimaadka puntland oo maanta booqday magaalada dhahar ee gobolka hayland

Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka Dowlada Puntland Dr Cabdinaasir Cuuke ayaa maanta gaarey degmada Dhahar oo xarun u ah Gobolka Haylaan, ka dib socdaal ay subaxnimadii hore ee maanta uga amba baxeen magaalo madaxda Puntland ee Garowe .

Mas’uuliyiinta ka midka ah wafdiga Wasiir Dr Cuuke socdaalka uu ku gaarey Degmada Dhahar waxaa ka mid ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdirasaq Xirsi Xasan, Waxaana qorshuhu yahay inay waftigaan socdaal ku maraan gobolo kala duwan oo ka tirsan deegaanada Puntland.

Wasiirka ayaa u kuurgalaya xaalada caafimaadka dadka ay saameeyeen abaaruhu, Wasiirka ayaa xariga ka jarey xarun loo dhisay daryeelka nafaqada caruurta.

Dhanka kale safarka Wasiirka ayaa ku kusoo beegmayaa xilli si isdaba joog ah Wasaaradiisu ugu direyso Gobolada Kalkaaliyayaal caafimaad oo u adeega dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaanada Puntland.234-8c1

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *