Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasiirkii hore ee arimaha dibadda somaliya c/raxmaan ducaale bayle ayaa ku guuleystey inuu ka mid noqdo aqalka hoose ee somaliya

Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa ku guuleystay kursigii labaad ee Xubnaha Aqalka Hoose ee Beelaha Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Gobollada Wqqooyi ayaa saakay ka billaabay Muqdisho, iyadoo Kursigii ugu horreeyay uu ku Guuleystay RW ku xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte.

Sidoo kale, C/raxmaan Beyle oo la Tartamayay C/llaahi Xaashi Abiib ayaa ku guuleystay 48-cod, halka Abiib uu helay laba cod oo keliya, iyadoo codna uu xumaaday, sida ay ku dhawaaqeen guddiga Doorahada.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Sannadkaan oo Goob-joog ka ahaa Doorashada ayaa ku dhawaaqay Natiijada, isagoo caddeeyay in C/raxmaan Beyle uu ku soo baxay kursiga Aqalka Hoose ee Waqooyiga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Beyle, ayaa horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumaddii uu horkacayay C/wali Sheekh Axmed, wuxuuna Dhawaanahaan ahaa Madaxa Mashaariicda ee Bankiga Horumarinta Afrika ee Xaruntiisa tahay dalka Ivory Coast.

Ugu dambeyntii, Weli waxaa Muqdisho ka socota Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee beelaha Waqooyiga Soomaaliya, iyadoo ay ku tartamayaan xubno kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *