Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wasiirkii Jubbaland ee DFS Ka Baxsaday oo Kismaayo Doon ku galay iyo Diyaarad uga Qaaday Nairobi

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( Janan) Wasiirkii Amniga Jubbaland ee ka Baxsaday Xabsigii Muqdisho ee  DFS Soomaaliya ku haysay, ayaa maanta Doon ku galay Magaalo Xeebeedka Kismaayo, Waxaana Goor dhowayddiyaarad looga qaaday Kismaayo, Isagoo  ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa Xaqiijiyay in Cabdirashiid Janan arrimo caafimaad loogu qaaday dalka Kenya, Iyadoona Garoonka Kismaayo loogu qaaday diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Milateriga Kenya.

Waxaa la Xaqiijiyey inuu Cabdirashiid Janan ku yimid Magaalada Kismaayo Doon, iyadoo Doonyo looga diray Kismaayo Badda uga hortageen, Balse ilaa hada lama Oga Qaabka ay ku suura gashay inuu soo baxsado.

Taliye kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya ayaa saddex maalin ka hor sheegtay in Cabdirashiid Janan uu ka baxsaday halkii uu ku xidhnaa, ayna ku raad-joogaan Ciidamada Booliska., waxaana sheegayaan in maalmo ka hor inta aanu baxsan arrimo caafimaad loo geeyay guri ku dhow xarunta Hay’adda NISA.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo shan bilood u xidhnaa C/rashiid Janan oo laga Qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho 31 bishii Agosto, waxaana Taliska Booliska uu sheegay in loo heysto dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *