Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wasiirkii Warfaafinta Somalia oo iscasilay iyo Sabab la yaab leh oo uu sheegay

Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee  Xukuumadda Soomaaliya,  ayaa goor dhowayd ku dhowaaqay  inuu xilkaas iska casilay.

Wasiirka ayaa is-casilaaddiisa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda Laanta Afka Soomaaliga ee VOA.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego.

Wararka ayaa sheegaya in Daahir Geelle iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay isku qabteen arrimo dhowr ah, iyadoo ay horay u taagnaayeen kala aragti duwanaan u dhaxeysay isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha oo muddo soo jiitameysay.

Wuxuu sheegay in kadib 11 bilood oo uu xilka hayey ay suurta-gali weyday in aragtidiisa siyaasadeed uu dowladda ku biiriyo, sidaas darteed ay fududahay inuu isaga xilka ka tago oo tan madaxda sare la daayo.

Waxyaabaha uu xusay ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda dowladda iyo habka dowladda ay ula macaamisho mamaul goboleedyada dalka, Wuxuuna Go’aanka uu qaatay ku sheegay inuu yahay mid uu muddo ku taamayey.

Daahir Geelle ayaa ahaa siyaasi qunyar socod ah oo xilliyada qaar si dabacsan uga hadla arrimaha mucaaradka Xukuumadda Soomaaliya ee uu ka tirsanaa.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *