Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

waxaa la filayaa in barlamaaanka p/l uu go,aan ka soo saaro tahriibta

Baarlamanka Dowladda Puntland oo shir aan caadi ahayni uga socdo xaruntooda magaalada garoowe ayaa shaaca ka qaaday in uu go’aan ka qadan doono Arimaha musiibadda tahriibka ee ka jira deegaanada Puntland.

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Puntland oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Jaceyl ayaa sheegay in Baarlamanku qaadan doono go’aano lagu mamnuucayo Tahriibka, ayna tahay musiibo mudan in sida ugu dhaqsiyaha badan loogaga hortago.

“Waxaan ku dadaali doonnaa in aan baarlamanka hor dhigno arrintan si go’aan kama dambeys ah looga qaato, uguna dhaqmaan hay’adaha Boliska ciidamada nabadgeiyada oo dhan ,arimaha gudaha garsoorka,iyo hayadaha kale ee ay khusayso arintan tahriibtu.

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibka ku baaba’aya ay ka dhigan tahay Soomaaliya oo dabar go’aysa, ka baarlaman Puntland ahaanna ay ku dadaalayaan sidii looga hortagi lahaa.

Todobaadkan gudihiisa ayay aheyd markii dooni sida dad aad u badan oo somaliyi ku jirto ay ku halaagmeen badda .Taasi oo Soomaaliyi meel walba oo ay joogto tustay aafada tahriibta.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *