Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

waxaa magaalada gaalkacayo ku kulamay xubno ka socda unta iyo labada gudi ee galmudug iyo puntland

Kulan looga hadlayey xaaladda nabadaynta ee magaaladda Gaalkacyo, sidoo kalana dib loogu eegayey hirgalidda iyo caqabadaha hortaagan Xabad joojintii magaalada Gaalkacyo.

Kulanka oo qaatan ugu yaraa 6saacadood ayaa waxaa ugu danbayntii lagu gaaray is afgarad, sida ay saxaafadda usheegeen madaxdii labada dhinac ee kulanka ka qayb galay, waxaana ay xaqiijyeen, in ay ka go’antahay sidii aan xabad danbe uga dhacdeen magaaladda, loona soo celin lahaa nabadii labada dhinac.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan maxamed Nuur (Abgaaloow) oo saxaafadda la hadalaayey ayaa sheegay in ay doonayaan in ay cagaha udhigaan nabadda magaalada, sidoo kalana ay xaqiijindoonaan isku dhafkii gudiga labada dhinac, si loo xaqiijiyo goobihii ay ciidamadu kala joogeen.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *