Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

waxaa magaalada gaalkacayo lagu soo dhoweeyey taliyaha booliska somaliya iyo wakiilka qaramada midoobey

22 July 2018 (Puntlandes) Waxaa goor dhow magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaaray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo ay wehliyaan Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michel keating iyo saraakiil kale.

Wakiilka Qaramada Midoobay iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyey saraakiil katirsan ciidanka Booliska iyo masuuliyiinta magaalada Gaalkacyo.

Wefdigaan ayaa magaalada u gaaray sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen howlaha amni xaqiijinta ah ee magaaladaasi ay ka wadaan ciidanka isku dhafka ah ee loo xilsaaray xasilinta magaalada Gaalkacyo ee ka kala socda Puntland iyo Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo Michel Keating ayaa kormeeray Saldhigga Booliska ee Shabeel oo xarun u ah ciidanka isku dhafka ah, iyagoo halkaasi warbixino uga qaatay saraakiisha hogaamineysa ciidanka.

44c3a

44c3

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *