Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

waxaa magaalada muqdisho lagu qabtay shirkii labaad oo lagu sheegay aaya ka tashiga magaalada muqdisho

Wajigii labaad shir looga hadlayo maqaamka Caasimadda ayaa maanta ka dhacay Hotelka City Palace, iyadoo shirkan uu daba socday shirar dhowaan ka dhaca magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ka duwanaa kii hore ayaa waxaa maanta uu ahaa shir ay isugu yimaadeen Beelaha Hawiye, waxaana Nabadoonada, waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha Hawiye.

Waxaa shirka ka qeyb galay Xildhibaano iyo Sentaro ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo iyo dad kale, waxaana shirka laga sheegay in aan lagu mucaaradeyn dowladda.

Maxamed Axmed Caalim Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ku baaqay in gogoshan inay noqoto mid soconeysa oo looga hadlayo maqaamka Muqdisho iyo xuquuqdeeda.

Waxa uu sheegay in mar walba waajib tahay in la doono maqaamka caasimadda, isla markaana la cadeeyo, isagoo xusay in madaxda dalka aanay aheyn kuwo wax diidan.

Xuseen Caraale oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ayaa isna shirka ka sheegay in arrinta maqaamka Muqdisho ay hor-taalo Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

“Shirkan ma ahan shir lagu mucaaradayo dowladda, waa shir nabadeed oo maqaamka Caasimadda Muqdisho iyo xuquuqdeeda lagu raadinayo, waxaana ay hor-taalaa Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir”ayuu yiri.

Dhinaca kale  waxaa maalinta berri lagu wadaa inuu Muqdisho ka dhaco shir lagu taageerayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, waxaana shirkan lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan Beelaha Muddullood.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *