Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Dhalinyaro Badan oo lagu Xasuusaqay (Sawirro)

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya  khasaaraha qaraxii is-miidaamin ah  ee caawa ka dhacay maqaayadda Gelato Divino ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof, Iyada oo 10 kale ay ku dhaawacmeen.

Xogta khasaraaha ayaa waxaa u xaqiijiyey goobjoogeyaal iyo ilo-wareedyo amni. Adeegga gurmadka deg degga ah ee Amin Ambulance ayaa dhankooda xaqiijiyey geeriday 7 qof iyo dhaawaca 10.

Waxaa sidoo kale dadka ku dhintay ku jira Wiil ka tirsanaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha oo uu u qaabilsanaa safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey qof soo qof soo xidhay jaakad waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, kaasi oo gudaha u galay maqaaxida kadib is-qarxiyey.

Gelato Divino ma lahan waardiye hubeysan, waxaana albaabka jooga qof haysta gacan dhawaaqa oo dadka mariya. Qofka is-qarxiyey ayaa markii uu yimid goobta oo la isku dayey in gacankaas la mariyo, wuxuu xoog ku galay goobta kadibna durba is-qarxiyey.

Gelato Divino ayaa markii weerarka uu dhacayey waxaa ka jira mashquul xooggan, ayada oo sidan oo kale habeenada Jimcaha ay tahay meel aad u mashquul badan.

Waxaan si xoogan u canbaaraynayaa weerarkii argagexiso ee lagu qaaday maqaayada Gelato Divino. Waxaa caawa goobtaas ku go’ay dhalinyaro uu hiigsi nolol iyo mustaqbal yididiilo leh ka hor muuqdo, kuuwaasoo doonayey in ay dalkooda iyo dadkooda Kalshaale.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *