Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Weerar ka dhacay BALCAD Iyo Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya weerar kaasi

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in weerar ay ku qaadeen saaka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ay ku dileen saddex ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya.

War ka soo baxay Alhabaab ayaa lagu sheegay in bar koontarool oo ku taalla magaalada ay Ciidan ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen saaka kuna dileen saddex Askari.

Warbaahinta taageerta  ayaa sheegay in Ciidamada Alshabaab ay sidoo kale goobta ka qaateen qaar ka mid ah Hubka Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa Barta Koontarool ee degmada Balcad.

Sidoo kale Goobjoogayaal ku sugan Degmada Balcad ayaa  xaqiijiyay in dagaal uu saaka ka dhacay Bar Koontarool oo ku taalla Magaaladaas dagaalkana uu billowday markii laga baxay salaadda subax.

Maamulka Degmada Balcad iyo kan Hirshabeelle wali kama hadlin Ciidanka Alshabaab ay sheegeen in saaka ay ku dileen degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *