Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Weerarkii Kismaayo oo Saaka Lasoo Afjaray, Nin Nolosha lagu Qabtay iyo Khasaaraha oo sii Kordhaya

Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa goordhowayd oo Saaka ah soo gaba gabeeyay weerarkii magaalada Kismaayo kaasi oo Qaatay Saacado badan, Iyadoo Maleeshiyaadkii  Weerarka Qaaday ay ilaa Xalay ka dhex dagaalamayeen gudaha Hoteelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

Waxaa la sheegay in   Inta badan ragii Weerarka fuliyey la dilay, marka laga reebo hal nin oo Dhaawac ah oo ay Ciidamadu nolal ku qabteen.

Ilaa iyo hadda macadda tirada rasmiga ah ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, marka laga soo tago tiro gaadhaysa ilaa 12 ruux oo xalay meydadkooda la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada kuwaasoo isugu jiray kuwo uu ku geeriyooday Qarixii koobaad ee ismiidaamita ahaa iyo Rasaasta wiiftada ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Khasaaraha Dhimasho ee Weerarkaasi uu gaadhayo in ka badan 10-Ruux.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in wixii warbixin ah ay dhiibi doonaan marka ay weerarka soo gaba gabeeyaan

Xaalka magaalada Kismaayo ayaa Ilaa shalay Galab iyo Saaka waxay ahayd  mid ku dheehan tahay murugo ,walwal iyo cabsi.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *