Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wefti balaaran oo kismaayo gaadhey

Wefti balaaran ayaa saaka gaadhey magaalada Kismaayo ,magaala madaxda ku meel gaarka  u ah dowlad goboleedka jubbaland,Weftigaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka waxbarashada  dowladda federalka ,wasiirka qorashaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda federalka ah iyo danjiraha dowladaha yurub wakiilka uga ah somaliya ,

Wefdigaasi waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey madaxweyna ku xigeenka labaad  Mudane Lugadheere,wasiirka arimaha gudaha iyo amniga,iyo kale ee sarsare oo ka tirsan maamulka.Wefiga waxaa loo gudbiyey guriga martida halkaas oo uu ku sugnaa madaxweyne Axmed madoobe.kulanka madaxwenaha ka dib isla markiiba waxaa weftiga loo gudbiyey Iskuul la rabo in laga dhiso magaalada kismaayo oo isla maantaba laga dhagax dhigay.kharashka iskuulkaasi ku baxayana  waxaa bixinaya midowga yurub.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *