Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wefti ka socda dowladda federelka ah ayaa gaadhey magaalada beledweyne

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ka jirto xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay fatahaada uu sameeyay wabiga Shabelle iyo colaad ka taagneyd magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka Wasiiradan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen iyo Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Amniga oo wariyeyaasha kula hadlay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaa sheegay in socdaalkooda uu la xiriiro sidii ay indha indheyn ugu sameyn lahaayeen xaalada bani’aadanimo ee ka jirta magaalada.

Sidoo kale Wasiirada ayaa sheegay in magaalada Beledweyn ay ku soo wajahan tahay deeq dowladda Federaalka ugu tala gashay dadka ku barakacay fatahaadaha.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *