wefti ka socda p/land ayaa shir kula qaatay bangiga aduunka magaalada nayrobi
|Wefti ka socda p/land ayaa nayroobi kula kulmay wefti kasocda bangiga aduunka.Waftiga p/land Waxaa ka mid ah Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Deeq Saleebaan Yuusuf, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah Mustaf Shabac, kusimaha agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, agaasimaha waaxda tababarada ee Wasaaradda, guddoomiyaha Jaamacadda Puntland State University Maxamuud Sheekh Xaamud, guddoomiye kuxigeenka Jaamacadda PSU Burhaan Aadan Cumar iyo xubno ka tirsan guddiga xiriirinta Mashruuca Tayaynta iyo shaqo qorista Puntland ee Bangiga adduunku uu maal gelinayo ee Xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland.
kulanka ayaa salka ku hayey hannaanka shaqaalaysiinta, tababarrada iyo dardar gelinta mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda Puntland ee uu Bangiga adduunku maalgelinayo.
Sidoo kale waxa kulanka lagu lafo guray qaabka ugu wanaagsan ee waftigaani ku xulan karaan hay’adda ugu habboon eel ala mataanayn karo Jaamacadda Puntland State University si loo dardar geliyo guud ahaan mashruucaan tayaynta iyo shaqo qorista ee Bangiga adduunku uu ka caawinayo dawladda Puntland.