Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wefti uu hogaaminayo ninka uGu sareeya ha’yadda cuntada aduunka (FAO)ayaa tegey magaalada kismaayo

Wefti uu hogaaminayo madaxa FAO u qaabilsan somaliya ayaa booqasho kutegey magaalada kismaayo. Wafdiga ayaa ugu horeyn booqday xafiiska wasiirka beeraha dowladda Jubaland halkaasoo ay kulan kula qaateen wasiirka wasaaradda beeraha iyo qaar kamid ah howlwadeennada wasaaradda, ayagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira beeraleeyda Jubaland.Wasiirka wasaaradda beeraha Jubaland Mudane Geelle Max’ed Aadan ayaa wafdiga xog ka siiyay beeraleeyda Jubaland iyo caqabadaha ka heeysta dhanka wax soo saarka, isagoo hay’adda ka codsaday in ay garab istaagto beeraleeyda kana caawiso duruufaha adage e ay ku shaqeeyaan.Sidoo kale waxa uu hay’adda ka codsaday in ay xafiiis ka furato magaalada Kismaayo, si ay wax badan uga qabato deegaanada Jubooyinka.Wafdiga oo ujeedka socdaalkiisa ay ahayd u kuurgalidda xaaladda beeraleeyda iyo kalluumeysatada Jubaland ayaa sidoo kale booqday xafiiska wasaaradda Kalluumeeysiga iyo kheyraadka badda ee Jubaland, halkaasoo ay kulan kula qaateen wasiirka wasaaraddaasi Mudane Ibraahim Max’ed Cabd iyo qaar kamid ah shaqaalah wasaaradda, waxayna ka dhageeysteen warbixinno la xiriira kalluumeeysatada Jubaland.Wafdiga ayaa socod kusoo maray goobo ay deganyihiin kalluumeysatada Kismaayo, iyagoo sidoo kale kormeeray xeebta Calanleey oo ay ku xirnaayeen doonyo kalluumeeysi.Ugu danbeyn markii ay kulamada soo idlaadeen ayuu RIchar Trenchard Madaxa Soomaaliya u qaabilsan hay’adda FAO, waxa uu sheegay in ay wax badan u qaban doonaan beeraleeyda iyo kalluumeysatada Jubaland, isagoo sheegay in ay haatan ku shaqeeyaan marxalad adag ayna dhawaan soo gaarsiin doonaan Doonyo, Qalabka Kalluumeysi iyo agab kale oo ay ugu talogaleen beeraleeyda iyo kaluumaysatada

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *