Wufuudii shirkii kismaayo ka qayb galay oo dib ugu noqotay maamuladoodii
|Ka dib hungowgii iyo go’aan la’aantii shirkii madasha wadatashiga magaalada kismaayo,ka dhashay
waxay dib ugu kala dhoofeen madaxdii ka qayb gashay maamuladii ay ka soo dhoofeen ,halka hogaamiyayaasha dowladda federalka ay magaalada muqdisho u dhoofeen.
Waxaa magaalada Bosaaso lagu soo dhoweeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka puntland Cabdiweli gaas.halkaasi oo ay garoonka diyaaradaha Bosaaso ku soo dhoweeyeen Madaxweyne kuxigeenka ,qaarka tirsan golaha wasiirada iyo dadweyne aad u fara badan oo garoonka soo dhoobtay.
Sidoo kale Madaxweynaha koonfur galbeed Shariif Xasan ayaa isna magaalada Baydhabo ay ku soo dhoweeyeen Qaar ka tirsan golihiisa wasiirada iyo dadweyne fara badan.