Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xaalada Boosaaso, Waxgarad u kacay Daminta Xiisada iyo Xukuumadda oo Ciidamo badan keentay !

Xaaladda magaaladda Boosaaso ayaa maanta iyo Shalay degan, Waxaana Madaxda dhaqanku ay Howlan yihiin inay Xal gaadhaan Xiisada Cusub, kadib markii Ciidamo Beeleed ay Awood kusoo galeen gudaha magaalada.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in maamulka Puntland Ciidamo badan ku daabulayaan gudaha magaalada Boosaaso waxaana jira taxadar badan oo dadweynuhu ka muujinayaan dagaal mar kale dhaca.

Go’aanka xukuumadda Saciid Deni ay ciidamo dheeri ah ugu soo daabuleyso magaalada ayaa dadka Qaar sheegeen inuu horseedi karo dagaal dib uga qarxa.

Dagaalkii arbacadii ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa ahaa mid la saadaalinayay maalmaahaan oo dhan sababo la xidhiidha tallaabada ay qaaday xukuumadda Deni oo ay kula wareegeyso shirkadda PDG.

PDG waa shirkad illaa muddo dheer soo shaqeenaysay, waxaa leh ganacsato reer Bari ah uu ugu tun weynyahay ninka ka danbeeyay abaabulka ciidamada soo galay Boosaaso.

Shirkadda ayaa ciidamada PMPF-ta ee Imaaraadka taageerto u qaabilsanyihiin wixii loogistika ah, halkaas oo ay macaash fiican ganacsatadaasi ugu jirtay ka hor inta aysan isku dhicin saaxiibbadii markii hore ku shirkoobay.

Culimada, isimada iyo nabadoonnada gobolka Bari ayaa sheegay inay wadaan dadaal nabadeed oo ay doonayaan in xal laga gaaro wax walba oo nabadgelyo xumo keeni karo.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *