Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xaalada Laascaanood oo kacsan iyo Ciidanka Somaliland oo Dad badan ku Dhaawacay

Xaalada magaalada Laascaanood maanta Kacsan, Illaa iyo Iminka lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah ee dhaawacyada dadkii saaka ay xabada la dhaceen Ciidamada Millitariga Somaliland kuwaa oo kula eryayey mudaharaadyaasha illaa xalay ka wadey suuqyada magaalada .

Cusbitaalada Lasanod General Hospital iyo Manhal Hospital ayaa la soo gaadhsiiyey tiro dhaawacyo ah kuwaa oo u badan dhalinyaro, Islamarkaana  Xaaladooda Lagula tacaalayaa.

Dhakhaatiirtada Cusbitaalladan gaar ahaan Cusbitaalka Manhal ayaa ku baaqay in loo baahan yahay dhiigag u badan 0-.

Kacdoonka shacabka ayaa Salka ku haya   Nin shacab ah oo dhowaan Ciidamada Somaliland ku dileen gudaha magaalada Laascaanood, kaasi oo aan Weli maydkiisa la Aasin.

Maamulka gobolka  ugu magacaabay Somaliland ayaa wali ka hadal dhibaatooyinka ka dhacay magaalada ee loo gaystay dadka shacabka ah.

Kalshaale

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *