Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

xasan sheekh ayaa booqday magaalada jowhar ee gobolka shabeelada dhexe

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saaka ka degey garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaa qudbad u jeediyay oday dhaqameed,waxgarad iyo dadweyne faro badan oo ku sugnaa hoolka shirarka ee magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen oo ugu horeyntii kulanka ka hadlay ayaa ku soo dhoweeyay madaxweynaha gobolka Sh/dhexe. Qaar ka mid ah duubabka dhaqanka ee ka qeybgalaya kulankan ayaa waxaa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin inay dhamaystiraan maamulka labada gobol.

Wakiil ka socday urur goboleedka IGAD Jamaal Xaaji Axmed ayaa doorka IGAD ku tilmaamay   inay tahay howsha geedi socodka maamulka labada gobol oo kaliya,ayna u fududeynayaan  Wasaarada arrimaha gudaha iyo oday dhaqameedyada sidii maamul u sameysan lahaayeen.

“Waxaan dooneynaa maamul xalaal ah oo loo dhan yahay inaan marqaati ka noqono, kulan ayaan la qaadanay duubabka dhaqanka una sheegnay inaysan IGAD aysan ahayn doorkooda dhisida maamulka balse ay tahay oo kaliya fududeynta waana ku heshiinay in ay dhistaan maamulkooda.”ayuu yiri Jamaal oo  wakiil ka ahaa urur goboleedka IGAD.

“Annaga waxaan nahay marqaati iyo howl fududeyn waxaan diyaar u nahay in warmurtiyeedka IGAD uu cadeynayo golaha madaxweynayaasha go’aanada ay ka gaareen waxaan diyaar u nahay inaan gacan iyo hiil hoo aan ka siino shacabka Soomaaliyeed.”ayuu sii raaciyay Jamaal Xaaji Axmed.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahin waxaa uu u mahadceliyay duubabka dhaqanka iyo maamulka gobolka.

“Waxa sharaf inoo ah in Madaxweynaha jamhuriyada fedralka in shirkan uu soo xoojiyo yimaadana mar kale Jowhar.”ayuu yiri Yaxye Cali.

Intaa kadib waxa uu ku soo dhoweeyay makarafoonka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qudbad dheer halkaa ka jeediyay.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka weli ka maqan shirka inay yimaadaan oo ra’yigooda ka sheegaan gogosha shirka.

“Muhiimada waxa ay tahay in aan mas’uul meel kale laga soo magacaabay uu talada hayo,waxaa diyaar u nahay in talada dalka la baahiyo dadkana la yiraahdo yaa idin xukumaya oo maamulka hoosta laga soo dhiso.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in shacabka dhexdooda ay ka soo xushaan qofkii maamuli lahaa.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in bulshada labada gobol ay u taal inay dhistaan maamul lana mid noqdaan maamulada kale ee dalka ka jira.

‘Go’aanka ugu dambeyntii gacantiina ayuu ku jiraa Wasaarada arrimaha gudaha ayaa idinla joogta IGAD waa fududeeyayaal,qofkii fikir kale qaba waa inuu bulshada dhex yimaada oo ku soo bandhigaa, qofka aan ra’yiga dadka aan soo raacin isagana marka uu ra’yi soo bandhigo lama raacayo.”ayuu yiri Madaxweyne.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowlad goboleedyada laga dhisay dalka ay caqabado badan ka horyimaadeen dhismahoodii balse markii dambe lagu heshiiyay .

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *