Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

xasan shiikh ayaa xariga ka jaray dhismaha wasaaradda maaliyadda dowladda federalka ee muqdisho

.Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray Wasaaradda Maaliyadda oo in mudo ah dhismo ku socday, waxaana xaflada ka soo qayb galay, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaasha Ciidamada, Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha, iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu horayn Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ayaa sheegay in uu maanta ku faraxsan yahay in ay rumooday riyadiisii ahayd inuu dib u dhis ku sameeyo Wasaarada Maaliyadda  inta uu xafiiska joogo.

“Waxaan niyada gashtay in Wasaaradda Maaliyadda aan dib u dhiso inta aan xafiiska joogo si shacabka loogu fududeeyo adeegyada ay uga baahan yihiin Wasaaradda oo hada dhib badan ku qaba in ay yimaadaan madaxtooyada oo si KMG ah loogu shaqeeyo. Waxaa xusid mudan in aan haysanay lacag laba milyan oo doolar ah, oo ay dowladda Sweden noogu deeqday, waxayna soo jeediyeen shirkado shisheeya ah in la dumiyo dhismahaan, waxaanse go’aan ku gaarnay in Wasaaradda ay bixiso lacagta lagu dayactirayo dhismahaan halkii laga dumin lahaa, lacagta kalana waxaan ku dhisamaheeda ku bilaabaynaa bisha soo socota Wasaaradda Lacagta” ayuu Wasiir Farketi oo dhanka kale sheegay in ay Wasaarad ahaan balan qaadayaan in lacagta Wada marista ee laga qaado gaadiidka loo leexin doono  30% dhismaha wadooyinka.

Dhanka kale Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa xirtitaanka xaflada sheegay in balanqaadkii lixda tiir ay ka mid ahayd hagaajinta Nidaamka Maaliyadda Dalka, maantana lagu guulaystay tiirkaas.

“Waxaa faraxad weyn ah in maanta si xowli ah dalka dib u soo kabanayo, waana meeshii labaad oo aan maanta furo.  Afar sano ka hor waxaan balan qaadnay in lagu samaynayo dib u habayn maamulka maaliyadda dalka, waana ku faraxsanahay meesha ay maanta waxa marayaan, waxaana maanta howl galay dhamaana hay’adihii dowlada isla markaana wada shaqayn buuxdana leh” ayuu yiri Madaxweyne Xassan.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri”Waxaa lagu tilaabsaday nidaam electronic ah oo aan waxba laga khaldi karin, dhaq dhaqaaq maaliyadeed oo kastana la ogaan karo sida uu u dhacay iyo cida samaysay. Waxaa meesha laga saaray lacagtii cadaanka ahaa ee la isticmaali jiray, Wasaaradda Gashaandhiga iyo tan maaliyadda oo is kaashanaya ayaa ku howlan in ciidanka loo sameeyo nidaam ay mushaarka ku qaataan. Hadii nidaamkaga maaliyadda ee dalka la aamino waxaa suurta gal in aan helno daymo iyo deeqo kala duwan”

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka kooban 86 qol waxaana dayactirkeedu socday mudo hal sano ah. Wasaaradda ayaa uga fa’iidaysanaysa in shaqaalaha ay helaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan, waxaana dadka shacabka u fududaynaysaa in ay adeegyadooda si sahlan ugu yimaadaan wasa

231-8c3

231-8c7
Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *