Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xayiraad isu socodka ah oo lagu soo rogey Magaalada laascaanood

Wasiirka arimaha godaha Somaliland ayaa horay uGu hanjabay inuu dagaal ku qaadi doono cidii aan u hogaansamin amaradiisa  ku aadan in la joojiyo dagaalka gobolka sool.Balse shalay ayey ahayd markii 40 oday oo isugu Jira isimo iy wax garad loo taxaabay Jeelka Burco.

Bandoow ayaa lagu soo Rogey Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, taasoo ka dhalatay kaddib markii maanta ay Rabshado Kasaare geystey ka dhaceen koonfurta Magaalada.

Rabshadahan oo ay sababeen, kaddib markii dabley Hubaysan ay Rasaas ku fureen Gaadhi safar ugu socday deegaanno Hawd-koonfureed, markaasoo Gaarigani uu u maraayay halka lagu magcaabo Xaraar-daayeer oo Degmada Laascaanood 8-km wax ka yar u jita, waxaana rasaastaasi ku Naf-waayay saddex qof oo mid ka mid ay Haween ahayd.

Dableyda, ayaa markii la sheegay inay qayb ka yihiin dagaalo laba beelood ku dhex maray deegaanka Dharkayn-geenyo iyo deegaanno kale, Taasina waxay sababtay inay Degmada  Laascaanood markii ugu horreysay ka billowdaan Rabshado labadaas beelood u dhexeeya.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise oo saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa wuxuu sheegay in laga billaabo Dhurnimadda Maanta – ay magaaladda Laascaanood Tahay Bandow

Ciidan kala duwan ayaa lasoo geliyay magaalada; iyadoo cod-baahiyeyaalna la saaray gaadiid, kuwaasoo digniin siinay bulshada ku nool magaalada, Waxayna ciidanku taagan yihiin dhamaan waddooyinka waaweyn ay gaadiidka marayaan inay meel dhigtaan oo aanay soo noqon.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *