Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

xildhbaan goodax bare oo hadal ka jeediyey shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada beledweyne

Xildhibaan Goodax ayaa ugu horeyn bogaadiyay shirka iyo duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in shirkan yahay mid loo hanweyn yahay, lagana filayo in ay kasoo baxaan miro wax ku ool ah.

”Shirkan waa shir dhaqan, waa shir nabadeed, waa kulan dib-u-hishiisiin iyo is cafin, waan hambalyeenayaa shirka iyo go’aanka duubabka dhaqan ee ah inay bulshadu Wada-hadasho kana hishiiyaan wixii mad-madow iyo khilaaf ah ee u dhaxeeya” ayuu yiri Mudane C/llaahi Goodax.

Mar uu soo hadal qaaday Arrimaha Siyaasada, ayuu sheegay in masiirka iyo Mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka Hiiraan mar walba go’aan ka gaari doonaan bulshada ku nool, balse la aqbali karin in wax aysan raali ka aheyn sidda uu hadalka u dhigay dusha sare looga keeno.

”Mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka Hiiraan gacantiina ayuu ku jiraa, hadddii uu gobolka iskii u taagnaanayo iyo haddii kale intaba go’aanka ugu dambeeya intiina shirka joogta iyo inta kale ee idinku tallada ah ayaa iska leh’ ayuu yiri xildhibaan Goodax.

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Dowladda Federaalka, ayuu ku eedeeyay in ay kala Qaybiyeen sida uu hadalka u yiri Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Taariikhda inta la xasuusto markii ugu horeysay u midoobay tallada iyo aayaha gobolka Hiiraan.

“Maanta dowladihii waa-weynaa ee Caalamka ayaa Midoobaya, marka waa wax lala yaabo in mas’uuliyiinta Qaranka ee loo dhaariyay inay dadka isku keenaan, isla markaana kawada shaqeeyaan midnimadooda ay billaabaan dhaqamo aan Wanaagsaneyn iyo in dadka la kala qaybiyo, Duubabkii-dhaqanka Gobolka oo taariikhada inta la xasuusto midoobay in la kala jabiyo oo waxaan jirin loogu kala sheekeeyo – Waa wax ruux aan caqli u saaxiib ahayn uu sameyn karo oo kaliya,” ayuu yiri sheegay xildhibaanka

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *