Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

xildhibaan aamino maxamed cabdi oo lagu dilay qarax ka dhacay beledweyne/

Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Beledweyne lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Qof naftiisa haligay ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey Xildhibaan Aamino oo isla goobta ku geeriyootay. Qaraxu waxa uu ka dhacay meel u dhaw Madaxtooyada HirShabeelle ee Beledweyne.

Sidoo kale qarax labaad ayaa hadda ka dhacay aaggaas, waxaana hawada ka baxday korontadii magaalada. Jawiga ayaa mar qura is bedelay, waxaana magaalada ka socotay doorashada kursiga HOP#011.

Maanta ilaa caawa Beledweyne waxaa ka socota doorasho adag oo ka duwan kuwii hore, waxaana gabal-dhicii magaaladaas lagu doortay Cabdirisaaq Cabdullahi oo ku guuleystay kursiga HOP063 oo horay Cabdullahi Goodax Barre

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *