Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xildhibaan Billow Kerow iyo Mudanayaashii kale ee Maanta lala Xiray oo Xoriyadoodii dib u helay

Ciidamada Booliiska Kenya ayaa gellinkii dambe ee maanta Xabsiga kasii daayay Xildhibaan Billow Kerrow oo laga soo doorto magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari waddanka Kenya, ka tirsan xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Kenya.

Xildhibaan Kerrow oo warbaahinta la hadlay markii lasii daayay ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaanno kale oo iyagana laga doorto Mandheera laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Wilson, Nairobi, kaddib markii ay ka soo laabteen magaalada Mandheera.

Sababta loo xiray ayaa lagu sheegay inay ahayd kaddib markii uu baahiyeen in xabaal-wadareed laga helay duleedka Mandheera; balse markii la baaray laga helay maydka hal qof oo kale.

“Annaga sababta naloo xiray waxay ahayd warkii ku saabsanaa in magaalada Mandheera laga helay xabaal-wadareed ay ciidamada Kenya ku aaseen dad ay qabteen intii ay socdaan howlgalladii looga jawaabayay weerarro Al-shabaab ay kusoo qaadeen deegaanno ka tirsan gobolka Waqooyi-bari dalkan Kenya,” ayuu yiri xildhibaan Billow Kerrow oo isaga saddex xildhibaan kale laga sii daayay xabsiga kaddib markii ay xirnaayeen muddo shan saacadood ah.

Mas’uuliyiinta kale ee lala xiray xildhibaan Kerrow ayaa waxay kala ahaayeen; xildhibaan Maxamed Macallin oo laga soo doorto galbeedka Mandheera, xildhibaan C/casiis Cali oo laga soo doorto Bariga Mandheera, Shaaban Ali oo isna laga soo doorto deegaanka Lafey iyo Fathiya Mahbub oo ka tirsan aqalka sare ee wakiillada Kenya.

Inkastoo xildhibaan Billow Kerrow iyo xildhibaannadii kale ay qireen in sababta loo xiray ay ahayd warbixintii ay saxaafada siiyeen, ayuu haddana Billow Kerrow wuxuu eedeyn kulul u jeediyay wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, Joseph Nkaissery oo uu sheegay inuu sharciga la tiigsan doono.

“Ma jirto sabab aan raalli-gelin ku siinno, maxaa yeelay wuxuu geystay intii uu ka tirsanaa ciidamada xasuuq fara badan. Balse waxaan ka raalli-gelinayaa arrintan shacabka Kenya, kaddib markii la sheegay in baaritaan la sameeyay la arkay maydka hal ruux oo keliya,” ayuu si kulul u yiri xildhibaan Billow Kerrow oo waraabinta kula hadlayay Nairobi.

Dhanka kale, xildhibaan Billow Kerrow ayaa sheegay in naftiisu ay khatar weyn gashay markii Nkaissery uu ku sheegay warbixin uu Arbacadi lasoo dhaafay sooo saaray inaan xiriir la leeyahay kooxaha argagaxisada ah; taasoo uu sheegay in uu ku dacweynayo.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha gudaha Kenya ee dalka, Joseph Nkaissery ayaa wuxuu ku sheegay isagana shir jaraa’id oo uu qabtay, in Billow Kerrow uu hoggaaminayay wuxuu ku sheegay koox baahiyay wararka ku saabsan xabaal-wareedka laga helay Mandheera, taasoo uu xusay inay ahayd mid shacabka Kenya lagu jahwareerinayay, xilli dambena la beeniyay.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *