Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

xildhibaan dhakool oo xabsiga laga sii daayey bil iyo dheeraad ka dib

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland muddo bil iyo dheraad ahna ku xidhnaa magaalada Hargeysa ayaa maanta xabsiga laga sii daayay.

Xildhibaan dhakool ayaa la xidhay  markii uu sheegay in 18-May ay tahay maalin madow, Sidoo kalana uu dhaliilo kala duwan u jeediyey Madaxwayne Biixi.

Waxaa la sheegay inuu Xildhibaan dhakool horay u diiday inuu Raali gelin ka bixiyo Hadalkii uu horay u jeediyey.

Xeer ilaalinta iyo Golayaasha Baarlamaanka ayaa sharci darro ku tilmaamay Qaabka loo xidhay, Iyadoona hadana lasoo daayey iyadoo aan wax Xukun ah lagu ridin.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *