Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

xildhibaan goodax barre oo ka hadlay maamul u samaynta hiiraan iyo sh/hoose

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka inay u eexatay Gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo cadeeyay in wax kasta oo ku saabsan dhismaha maamul u sameynta labada gobol ay ka qatan yihiin reer Hiiraan.

Goodax Bare ayaa sheegay in Xukuumadda, iyadoo aan la tashi la sameyn dadka ay gogosha shirka geysay Jowhar, isla markaana soo bandhigtay sida loo qeybsanayo Baarlamaanka, taasoo uu xusay inay tahay eex aan caadi aheyn

“Reer Hiiraan waxaa u muuqata inay jirto eex aan caadi aheyn, oo ah in loo eexday Shabeellaha Dhexe, dowladda waxay kontaraadyada qarasha shirka ku baxaya ay siiyeen cid gaar ah, sida Madaxweynaha dad ay wax ka dhaxeeyaan, in Baarlamaanka la qeybiyay oo shabeellaha dhexe loo badiyay, in gogoshii Jowhar la geeyay, intaas oo dhan waa eex.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu la shiray qabaa’ilada dega labada gobol, kuna yiri in la doorto cid uu isaga wato

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *