Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xildhibaan kasoo jeeda gobolka Sool oo Dil ka badbaaday iyo Waxa dhacay

Xildhibaan Faarax Mohamed Dalmar oo ka tirsan barlamaanka Puntland ayaa sheegay in uu ka badbaday isku day dil xili uu Xalay Gurigiisa sii galayey.

Xildhibaan dalmar ayaa sheegay in Rag husaysan Rasaas fureen isagoo gaadhi kaga dagay gurigiisa hortiisa isla markaana xabadii ugu horaysay oo lagu riday oo dhici wayday ay sabab u noqotay in uu ka badbaado weerarkaas.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi farawayne oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey Guriga xildhibaanka tegay markii Rasaastu dhacday ayaa sheegay in uu goobta ku arkay raadki weerarkii xildhibaan Dalmar lagu soo qaaday.

Xildhibaanka la weeraray ayaa shalay shir jaraaid ku  qabtay magaalada Garoowe, Wuxuuna ka hor yimid xil ka qaadistii Gudoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Puntland  ee Madaxwayne ku Deni ku sameeyay, Wuxuuna ku tilmaamay sharci daro, Sidoo kale Wuxuu dhaliil iyo eedo u jeediyey Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi cismaan Karaash.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *