Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

xildhibaanada baarlamaanka federalka oo bilaabay ka doodista qaabka doorashooyinka 2016

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta guda galay dooda ku aadan hanaanka doorashooyinka dalka ka dhacaya, kadib markii 30-kii bishii hore ee April uu u horkeenay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Kulankan ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaano dhowr ah, kuwaasoo is qoray, markii Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay ajandaha dooda inuu yahay hanaanka doorashooyinka.

Xildhibaanada ka doodayay heshiiska hanaanka doorashooyinka ayaa ahaa kuwo kala aragti duwanaa, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada ay qabeen in Guddi loo saaro qodobada ku xusan heshiiskan, isla markaana wixii qaladaad ah la saxo, kadibna cod loo qaado.

Sidoo kale Xildhibaano kale ayaa qabay in Xukuumadda dib loogu celiyo qorshahan guud ee hanaanka doorashooyinka, si ay u soo jadwaleyso taariikha la soo xulayo Labada aqal ee Baarlamaan, doorashada Guddoonka iyo doorashada Madaxweynaha.

Xildhibaano kale ayaa iyana soo jeediyay in Baarlamaanka ansixiyo hanaanka doorashooyinka, maadaama waqtiga haray uu yar yahay, isla markaana la rajeynayo in bisha Agosto ay doorasho dalka ka dhacdo.

Intaas kadib Guddoonka Baarlamaanka ayaa amray in maalita berri la isugu soo laabto, si Xildhibaanada haray ay uga doodaan, waxaana marka la soo gaba gabeeyo dooda la filayaa in Guddoonka cod u qaado labo mid oo kala ah in Xukuumadda dib loogu celiyo ama qodobada la saxo, lana ansixiyo.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *