Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xildhibaanadii laga mamnuucay Kulanka Baarlamanka oo laga celiyey Wadooyinka Muqdisho

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ee dhawaan Gudoomiye Maxamed Mursal ka mamnuucay kulamada Baarlamaanka ayaa laga celiyay qaar kamid ah isgoosyada laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada amaanka ee la dhigay baraha laga soo galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo qeybiyay sawirada iyo magacyada 15-Xildhibaan oo gudoonka golaha shacabka ka mamnuucay in ay kasoo qeyb galaan 5-kulan.

Xildhibaanadan ayaa laga celiyay isgoosyada ay joogaan ciidamada amaanka, waxaana Xildhibaanada iyo gaadiidkoodaba ciidamada ku amreen in dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen.

Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada laga mamnuucay kulamada Baarlamaanka ayaa goordhaw sheegay in isaga iyo Xildhibaano kale lagu celinayo Isgooska Dabka, waxa uuna sheegay in waxii dhib soo gaaro masuuliyadeeda uu qaadayo Maxamed Mursal.

”Isgoyska Dabka ayaa Ciidamo Farmaajo ka amar qaata hada nagu hortaagan yihiin aniga iyo Xildhibaano kale. Mas’uuliyada wixii na soo gaara Maxamed Mursal ayaa qaadaya!” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Kulanka Xildhibaanada golaha shacabka e maanta ayaa shaki badan laga muujiyay ajandayaasha looga doodayo iyadoona laga cabsi qabo in Gudoonka iyo Xildhibaanada sameeyaan mudo kororsi, Balse Ajandaha Kulanka kuma Xusno Muddo Korosi loo samayn doono Hay’adaha Dawladda.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *